Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maqaayad gaar ah oo loo furay dadka xanaaqa badan ama wax ka qaldan yihiin !

Sabti 17 Feb-2024 {HMC} Dadka qalafsan ama xanaaqa badan waxaa aalaaba lagu eegaa fiiro sirgaxan, waxaana laga fishaa inay jawi aan nabdooneyn kaga falcelinayaan hab-la-dhaqankooda bulshada dhaxdeeda.

Maqaayadda Mori Ouchi, oo ku taalla magaalada Tokyo ee dalka Japan waxay caan ku tahay inay marti-geliso dadka xanaaqa badan ama wax ka qaldan yihiin . Waa dadka aan saha ay joogaan iyo saadaasha soo aadan aan ka bixin sansaan qurxoon, laakiin marwalba maanka ku haya ficillo iyo falcelinno aan togneyn.

Mulkiilaha maqaayaddan waxay aragtidan ku dhalatay 10 sanno kahor, balse wuxuu fursad ka dhex arkay markii uu xanuunka Covid-19 uu dunida ku baahay. Wuxuu dareemay in dadka taban aan la fadhigooda iyo sheekaysigooda la jecleyn in badan oo laga fogaado. Sidaas darteed, wuxuu u sameeyey madal iyo meel u gaar ah oo ay ku kulmaan.

“Dadku kuwa togan waxay siiyaan fiiro qurxoon, waxayna dhugmo tuhmo leh ku eegaan dadka taban,” ayuu u sheegay SoraNews mulkiilaha. “Waana muhiim inay helaan meel ay ku kala war bogtaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA