Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliya ma heli doontaa kursiga Qaramada Midoobay ee loo ogolaaday inay kaligeed u tartanto?

Sabti 17 Feb-2024 {HMC} Sida ay baahisay dawladda Soomaaliya, Golaha Fulinta ee Midowga Afrika ayaa isku raaciyay in Soomaaliya ay noqoto musharraxa kaliya ee Bariga Afrika ee u tartami doona kusiga Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee aan joogtada ahayn.

Afrika ayaa waxay ku leedahay golaha amaanka ee Qarmada midoobey saddex kursi oo loo qoondeeyay Sadedax gobol kuwaas oo kala ah gobalka bari, gobolka waqooyi,gobalka galbeed.

Kursigaan oo kamida ah kuwa joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa hadda ku fadhiya oo dalalka gobalka bariga Afrika oo ay ku masho mozambique.

Wasiiru dowlaha wasaarradda arrimaha dibada Soomaaliya ahan ku simaha wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cali balcad oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in kursiga aan Soomaaliya lagula tartami doonin.

“Kursigan looma tartami doona,waan kursiga la hubo,marka uu dhamaado 2024-ka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu fariisan doonta” ayuu yiri Cali balcad.

Wasiir Cali ayaa sheegay in laba dal oo kale oo Soomaaliya kula tartamayay kursiga ay u tanaasuleen oo marka la gaaro 2025-ka ay Soomaaliya ay rasmi ah u matali doonto gobolka Bariga Afrika.

Sida uu sheegay wasiir Balcad ayaa sheegay in ku rsigaan ku fariisan doono safiirka Soomaaliya ku matala haatan qaramada midoobay, Abuukar Baale, oo xafiiskiisa sii balaarin doona.

Soomaaliya ayay ugu danbeeysay in kursigaan oo kale golaha amaanka ee Qaramada Midoobeey ay ku matasho dalalka Bariga Afrika Sanadkii 1973-dii xilligaas xillgaas waxaa Soomaaliya kursiga u fadhiyay danjire Cabdiraxiin Cabdi Faarax uu Soomaaliya ku matalayay Soomaaliya.

Danjire Cabdiraxiin Cabdi Faarax oo xilligaas ku fadhiyay golaha amaanka Qaramada midoobay dowladda Soomaaliya waxaa uu si gar ah ugu xil saaran dalalka Afrika ee gumeeysiga ku jiray sida uu sheegay wasiir Cali balcad.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf ayaa ku tilmamaay “Guul Diblumaasiyadeed”.

Kursigaan ayaa waxaa loo doortaa dal walba muddo laba sano ah, iyada oo intaas kadib mar kale la galo doorasho ka dhacda xarunta Golaha Amaanka

Sidee Soomaaliya ku heshay ogolaanshaha “Kursi aan joogta ahyan ee Afrika hesho

Soomaaliya ayaa in muddo ah olole ugu jirtay siday ku heli lahyd kursiga aan joogtadada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxana kaalmo iyo garab istaaga waydiisatay wadamada geeska Afrika.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka codsaday madaxweynaha Tanzania inay taageerto rabitaanka Soomaliya ee kursigaan aan joogtada ahyen

Wasiiru dowlaha wasaarradda arrimaha dibada Soomaaliya ahan ku simaha wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cali balcad waxaa uu xusay in Soomaaliya ay dadaal badan ku bixiysa helida kursigan, isla markaan dalalka kale ee kula tartami lahaa in dhaafo.

“Waqti iyo dadaal badan ayan galinaya kursigan, safaro badan ayaan ku tagay dalalka Caalamka, marka waa noo tanaasuleen qaar ka mid ah dalalkii kursiga raadinayay” ayuu sheegay Wasiir Cali Balcad.

Ku-simaha wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in arintaan ay tahay guul weyn, taasi oo sare u qaadeysa magaca Soomaaliya iyo doorkeeda hoggaanka adduunka iyo go’aamada masiiriga ah.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka kooban 15 xubnood, oo shan ka mid ah ay yihiin joogto.

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooke waxaa uu kaga hadlay waxyaabaha Soomaliya u sahlay in kursigaan Golaha Fulinta ee Midowga Afrika ayaa isku raacaan in Soomaaliya ay noqoto musharraxa kaliya ee Bariga Afrika.

“Waxyaabaha sahlay taageerada golaha Amniga iyo nabadgelyada Afrika waxaa saldhig u ah innagoo sanadkii hore ku guulaysanay inaan madax ka noqono gudiga kala saarista tartamayaasha Afrika (Ministerial Committee on African Candidatures) ee kuraasta ka banaan hay’adaha caalamiga ah iyo inaan dalka Tanzania oo inala tartamayay ku qancinay in ay inoo tanaasulaan maadaama ay inooga danbeeyeen qabashada kursigan” ayaa yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibada Soomaaliya.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa Tanzania kaga tanaasushay kursiga madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka taas oo Soomaaliya ay kaga badalatay helida kursiga aan joogta ahyan ee golaha amaanka, sida y horay u sheegtay dawladda Soomaaliya.

Sannadkii 2020 kii waxaa olole u wada galay kursiga bariga Afrika dalalka Jabuuti iyo Kenya, Soomaaliya oo markaas Kenya la lahayd xiriir liita ayaa taageeraysay Jabuuti una ololeynaysay sidii ay Jabuuti ku heli lahayd kursigaas, hase yeeshee Kenya oo dhanka siyaasadda gobolka kaga gacan saraysay jabuuti ayaa ku guuleysatay, codkii Golaha Guud ee qaramada Midoobeyna sidaas ku heshay.

Afrika oo waxaa ay rabta in kursi joogta ah laga siiyo golaha amaanka Qm

Afrika ayaa waxay ku leedahay golaha amaanka ee Qarmada midoobey saddex kursi oo loo qoondeeyay Sadedx gobol kuwaas oo kala ah gobalka bari, gobolka waqooyi,gobalka galbeed.

Waddamada Afrika ayaa ku adkaystay mowqif midaysan oo ku saabsan dalabkooda ku aaddan in ay labo kursi joogtada ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay laga siiyo.

muddo badan ayay Afrika doonaysa in kursi joogta ah laga siiyo golaha amaanka ee qaramada midoobey

Shir-madaxeedka golaha amaanka Qaramada midoobeey ayaa la filayey inay ka soo baxaan mawqifka guud ee Afrika ee raadinta laba kursi oo joogto ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA