Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Vladimir Putin oo lagu eedeeyey inuu ka masuul yahay geerida hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka

Sabti 17 Feb-2024 {HMC} Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ka falceliyey geerida hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Ruushka, Alexey Navalny, kaas oo geeriyooday maalintii Jimcihii.

Madaxweyne Biden ayaa ku eedeeyey madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu ka masuul ahaa geerida hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka.

Saraakiisha maamusha xabsiyada Ruushka ayaa sheegay in hoggaamiyaha mucaaradku uu ku geeriyooday goobtii lagu hayey. Mana jirto cid si madaxbanaan u xaqiijisay arrintan.

Navalny ayaa ahaa shakhsi si weyn uga soo horjeeda siyaasadaha madaxweyne Putin.

Warbaahinta Ruushka ayaa ka soo xigatay qaar ka mida masuuliyiinta maamusha xabsiyada Ruushka, oo u sheegay in gargaar caafimaad loo dalbaday balse ay badbaadin kari waayeen.

Qoraal ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka ayaa madaxweyne Biden wuxuu ammaan u jeediyey hoggaamiyaha geeriyooday oo uu ku tilmaamay inuu ahaa nin si joogto ah oga horiman jiray Putin, xataa iyada oo la sumeeyey, ka dibna lagu daaweeyey wadamada debedda, haddana ugu dambayn ku laabtay Ruushka halkaas oo xabsi la dhigay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA