Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada ammaanka oo soo qabtay Nin fal argagax leh ka gaystay Muqdisho

Axad 18 Feb-2024 {HMC} Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa soo qabtay, soona bandhigay nin ku eedeysay inuu kufsaday laba gabdhood oo ay dhashay xaakiisa, dhacdadaas oo ka dhacday degmada Dharkenley.

Eedeysanaha oo hadda ku jira gacanta Booliska ayaa la sheegay inuu faraxumeeyay labada gabdhood oo uu adeerka u yahay, taas oo la yaab ku noqotay dadka Soomaaliyeed.

“Ciidanka boliiska ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane la sheegay in uu kufsi ugu gaystay degmada Daharkenley labo gabdhood oo xaaskiisu dhashay 17-02-2024 abaaro 8:40 am” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Booliska gobolka.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Dhibanayaasha ayaa da’doodu tahay 18 jir iyo 10 jir, waxaana baris ku socotaa eedaysanaha”.

Dhinaca kale qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa arrintan argagaxa leh ka falceliyay,

Falalka foosha xun ee ka dhax dhacaya guryaha qoysaska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkan dambe kusoo badanayay Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA