Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

FAAH FAAHIN Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Axad 18 Feb-2024 {HMC} Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Buula warbo ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan qorsheysan ka dhacay deegaanka Buulo warbo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Kuuntawarey ee gobolka Shabeellaha ayaa la sheegay in khasaare lagu gaarsiiyau xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

 

“Maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa lagu laayay Howlgal ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka kaasi oo goor dhow ka dhacay deegaanka Buulo-warbo oo hoos tagta degmada Kuntuwaareey ee gobalka shabeellaha Hoose. Waxaa jira Khasaaro badan oo la gaarsiiyay Cadowga goor dhow la soco faah faahin dheeraad ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

 

Waxa uu ku so beegmayaa Howlgalkaan iyadoo habeen hore howlgal dhanka cirka ah oo ka dhacay duuleedka degmada Kuuntawareey ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan kooxda, islamarkaanka lagu dhaawacay afar kale oo ay ku jiraan horjoogayaal.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA