Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeeyay Ganacsato maanta lagu laayay degmada Mahaaday.

Axad 18 Feb-2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ganacsato lagu laayay deegaan hoosta degmada Mahadaay ee gobolkaasi.

Ugu yaraan saddex nin ganacsato ah, isla markaana ahaa walaalo ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay deegaanka Diin-laawe ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dilka kahor waxaa deegaanka soo weeraray xubno ka tirsan kooxda AS kuwaas oo beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka Macawiisleyda.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal dhex-maray labada dhinac, waxaana markii dambe dib u laabtay xubnihii AS ee weerarka soo qaaday.

Intaasi kadib ciidamada deegaanka ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen saddexda nin ee ganacsatada ahaa, iyaga oo ku eedeeyay inay jawaasiis u ahaayeen AS

Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan oo haatan laga dareemayo gobolka, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemaya aagga degmada Mahaaday.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan dhacdadaasi oo saameyn ku yeelatay dadka deegaanka.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa badanaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxda AS.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA