Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kufsi wadareed Garowe loogu geystay gabar 13 jir ah oo kasoo jeeda Dadka barakacayaasha

Axad 18 Feb-2024 {HMC}  Wararka laga helayo magaalada Garowe ee Caasimada maamulka Puntland, ayaa sheegaya in rag ku labis dareeska ciidanka amniga ay kufsi wadareed u geysteen gabar yar oo 13 jir ah oo kamid ahayd dadka barakacayaasha ah.

 

Sida ay baahiyeen warbaahinta ka howlgasho gudaha Puntland iyo dad goob joogayaal ah, falkaan ayaa salaaddii subax ka hor ka dhacay xero barakac ah oo lagu magacaabo Jiingadaha.

 

Koox falkaan ka dambeysay ayaa gabadha kalasoo baxeen aqalkii ay ka daganaayeen mid kamid ah xeryaha Barakacayaasha .

 

Qoyskeeda iyo dadka degan xaafadda Jiingadaha oo isku dayay inay ka celiyaan gabadha, ayaa lagu handaday gori caaradiis, waxaaana lagu kufsaday iyaga hortooda.

 

Dadka xaafadda ayaa inoo sheegay in gabadha hooyadeed sanad kahor ay ku geeriyootay rasaas ay ka dambeeyeen kooxo cabtoy ah.

ma jiro wax war ah oo ka so baxay laamaha Amaanka Magaalada Garowe.

 

Mudooyinkii danbe waxaa hoos u dhacay amaanka Magaalada garowe, taasoo sababta falalka amni darrada ah oo kusoo badanaya, kuwaas oo loo aanaynayo dadka ku lugta leh maandooriyaha oo aad ugusoo badanaya magaalada Garowe.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA