Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka Degmada Maxaas oo War kasoo Saaray Dagaal ka dhacay Degmadaasi.

Axad 18 Feb-2024 {HMC} Maamulka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa Faah faahin ka bixiyay Dagaal Culus oo shalay ku dhax maray Degmada Maxaas Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Deegaanka.

Gudoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo Wareeysi gaar ah siiyay Idaacada Hiiraanweyn ayaa sheegay in la kala dhax-galay Dhinacyadii ku galaamay Degmadaasi, isla markaana hada lagu jiro xalintooda.

Gudoomiye Muumin ayaa sheegay in Maamulka degmada oo kaashanayo Odoyaasha dhaqanka degmada ay ku baxeeyn Joojinta Dagaalkaasi, waxaana uu sidoo kale Beeniyay Warar lagu baahiyay Baraha bulshada kaasi oo ahaa in Ciidamada dowlada ay Hoobiyaal ku garaaceeyn Xaafado kamid ah degmada.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in dagaalka uu khasaaro ka dhashay lakiin ilaa iyo hada aysan hayn tirade rasmiga ah, lakiin waxaa uu sheegay in xalinta Xiisadan ay meel wanagsan xiligan ay mareeyso.

Ugu dambeeyn, Dadka deegaanka ayuu Gudoomiyaha ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Nabad-galyada guud ee degmada Maxaas, isla markaana lala shaqeeyo Ciidamada dowlada Soomaaliya eek u sugan degmadaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA