Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Hirshabeelle oo shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirada Hirshabeelle.

Axad 18 Feb-2024 {HMC} Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta Shir-gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa looga hadlay arrimaha amniga ee deegaanada Hirshabeelle, howlgalada AS looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, baahinta garsoorka, dar-dargelinta dhismaha gole-yaasha deegaanka, warbixin mashaariicda Wasaaradda Beeraha ee hada socda iyo kuwa dhawaan bilaaban doona, iyo ka doodista nuqulka, qaab dhismeedka shirkadaha amni ee gaarka loo leeyahay.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixiyay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle iyo howlgalada ka dhanka ah AS ee wali ka socda deegaanada Hirshabeelle, isagoo tilmaamay in loo diyaar garoobayo wajiga labaad ee howlgallada lagu ciribtirayo AS sidoo kalana ay deegaanada qaar ka socdaan abaabul shacab oo ka dhan ah AS.

Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka ayaa Golaha uga warbixiyay hannaanka daadejinta iyo baahinta garsoorka, isagoo sheegay in dhammaan degmooyinka xorta ah laga hirgaliyay maxkadamadaha degmooyinka.

Golaha Wasiirada ayaa ku bogaadiyay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose dhameystirka golaha deegaanka degmada Warsheekh iyo qabsoomida doorashadii daaha-furneyd ee ka dhacday degmadaas.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ayaa golaha la wadaagay mashaariicda ay ku howlan tahay wasaarada ee hada socda iyo kuwa dhowaan bilaaban doona isagoo xusay in dhowan dib loo howlgalin doono biyo xireenka sabuun oo waxtar wayn u leh bulshada.

Ugu dambeen golaha Wasiirada maamulka Hirshabelle ayaa dood dheer ka yeeshay qaab dhismeedka shirkadaha amni ee gaarka loo leeyahay oo xukuumada usoo gudbisay Wasaarada Amniga gudaha.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA