Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wiil 9-sanno jir hooyadiis nin ka raacday oo Go’aan adag qaatay iyo hooyada oo maxkamad lasoo taagay

Axad 18 Feb-2024 {HMC} Sheekada wiil 9 jir ah oo keligiis inuu noolaado lagu qasbay muddo 2 sannadood ah -kaddib markii hooyadiis ay ka raacday jaceyl cusub oo ay heshay – ayaa qabsaday warbaahinta Faransiiska.

Fogaan 3 meyl ah meel u jirta halka uu ku nool yahay wiilkan ayay hooyadiisa garoobka ahayd ula guurtay gacaliye cusub oo ay heshay. Muddo 2 sanno ku dhow ayuuna keligiis iskaga noolaa guriga. Waxayna hooyadani toddobaadkii mar u keeni jirtay cunno aan ku filneyn. Jaarkiisa ayaana siin jiray raashiinka, mararka qaarna macmacaan iyo cunnooyinka la nacay ee lasoo daadiyo ayuu nafta ku ceshan jiray.

Marka kaliya oo ay u timaado hooyadu inankeeda waxay u keeni jirtay cunno kadibna way isaga tagi jirtay iyada oo ku noqonaysa guriga ay kula nooshahay jaceylkeeda cusub. Mana isku dayin xattaa inay horay usii kaxaysato si uu ula noolaado. Booqashadan dhifka iyo naadirka ah oo ay haweeneydani kusoo bixi jirtay aragtida inankeeda ayaa tuhun ku abuurtay deriska xaafadda. Waxayna sheekadeeda la wadaageen laamaha nabadgalyada.

Markii boolisku yimid guriga, waxay arkeen firinjiyeer faaruq ah oo aysan wax raashiin ah ugu jirin wiilkan iyo nolol arrad badan oo uu da’yarkan ku jiray. Markii ay waraysteen wuxuu uga warramay dhammaan wixii ku saabsanaa noloshiisa iyo sida hooyadiis uga tagtay oo uu keligiis ugu noolaa guriga.

Hooyadan oo maxkamad loo soo taagtay dayacaadda iyo beylahda ay kaga dhaqaaqday wiilkeeda ayaa gaashaanka u daruurtay eedeymaha loo soo jeediyay – iyada oo ku doodday inaysan moogaan jirin xaaladdiisa oo ay hadiyo jeer ka war heysay!

Waxaa yaabka leh ayaa ah in inankan uusan maalinna ka habsaamin ama ka joogsan wax-barashada oo uu subax walba fasalkiisa heegan ahaa. Waxaana uu wax-barashada ku ahaa fariid fahmo fiican.

Waxaa loo aqoonsaday wiil halyey ah oo dhabar-adeyg iyo dulqaad badan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA