Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Booliska oo eedaysanayaal usoo qabtay agaasimihii meydkiisa laga helay gurigiisa Aadn Cadde

isniin 19 Feb-2024 {HMC} Boliiska degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa qoraal ka soo saaray geerida Agaasimihii Waaxda Diyaaradaha ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Marxuum Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable) oo meydkiisa laga helay hoyga oo ka degan yahay Waaxda Jeneraal Daa’uud, gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.

War-muritiyeedka xalay kasoo baxay saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ayaa lagu yiri: “Caawa fiidkii abaare 06:30 PM ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaalla Waaxda Jeneraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.”

Booliska ayaa intaas ku daray “Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, Ina Mako Nuur Dhimbil, 32 Jir ahaa ku dhashay Gebiley Waqooyi-Galbeed, Deganaa Degmada Wadajir, kana shaqeyn Jiray Hey’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed.”

“Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray, ayaa billaabay baaritaano la xariira dhacdada. waxaana gacanta Boliiska hadda ku jira ilaa 6 eedeysane iyo caddeymihii goobta loogu tagay, waxaa socda baarista kiiskan wixii ku soo kordha dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa.” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Ilo xog ogaal u ah kiiskaan ayaa warbaahinta u sheegay in Agaasimaha lagu dilay xarig lagu ceejiyey, sida ka muuqata jirkiisa, wuxuu ahaa nin masuul ah oo ka tirsan hay’adda duulista Soomaaliya, waxayna xubnihii noo waramay meesha ka saareen shakiga ah inuu isagu is-dilay.

Agaasime Cabdinaasir ayaa kaligiis deganaa guri ku yaalla xeendaabka garoonka Aadan Cadde, waxaa la garan waayey cidda ku dhex dishay gurigiisa.

Maalmihii u dambeeyey waxaa jiray khilaaf salka ku haya maamulka hawada Soomaaliya oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kadib markii Somaliland ay ku dooday in maamulka hawada ay isku koobtay Muqdisho, balse dowladda federaalka ayaa si cad u sheegtay inay si buuxda u maamusho hawada dalka.

Lama oga in geerida agaasimihii waaxda diyaaradaha dalka ka howlgala ee dowladda federaalka ay ku lug leedahay xiisadda ka taagneed hadda Soomaaliya, waxaana laga war sugayaa baaritaanada socda ee lagu ogaanayo cidda dishay marxuumka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA