Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka Dowladda oo Fashiliyay weerar AS xalay ku qaadeen degmada Ceeldheer

isniin 19 Feb-2024 {HMC} Dagaalyahanno katirsan kooxda ASoo aad u hubeysnaa ayaa xalay weerar culus ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo fariisin u ah ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.

Weerarkan AS ku qaadeen degmada Ceeldheer ayaa la sheegay in uusan u dhicin sidii ay qorsheeyeen, waxaana ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo helay xogta weerarka la sheegay in ay kahor tageen ayna fashiliyeen weerarkaasi.

Taliyaha Guutada 24aad Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne ayaa sheegay in ay heleen xogta weerarka AS , waxa uuna xusay in duleedka Ceeldheer uga hortageen kooxdii weerarka soo qaaday halkaasna uu ka dhacay dagaal.

Waxa uu sheegay taliyaha in ay fashiliyeen weerarkii AS doonayeen in saldhigyadooda kusoo qaadaan, waxa uuna xusay in khasaaro badan ku gaarsiiyeen dagaal kooban ay kooxdaasi kula galeen bannaanka Ceeldheer.

AS ayaa marar badan weeraro gaadmo ah ku qaaday ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan deegaannada kooxdaasi laga saaray, weeraradaasi ayaana ciidanka lagu gaadi jiray inta badan xilli ay hurdaan , taa oo dhalin jirtay khasaaro badan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA