Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Orod yahan Soomaaliyeed oo jabiyey rikoorka maaratoonka Sweden

Isniin February 19, 2024 {HMC} Wuxuu ahaa rikoor ay gaartay Sweden kaas oo la xiriira orodka maratoo-ka ee ka dhacay magaalada Seville ee dalka Spain.

Suldaan Xasan oo ah wiil asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, isla markaana heysta dhalashada dalka Sweden ayaa 2.07.35 ku dhameystay kaalinta 10-aad ee orodka markii ugu horreysay ee uu garoonka ka soo muuqday taasoo kor u qaadday rikoorkii hore ee u yaallay Sweden in hal daqiiqo ka badan.

Suldaan ayaa hadda galay kaalinta afaraad ee abid Sweden.

Waxay ahayd billow aad loogu riyaaqay marka ay noqoto Suldaan, waxaana lagu ammaanay tababar dheer oo uu waqti badan ku soo bixiyay.

Suldaan ayaa dhowr kilomitir ka dib gaabiyay orodkiisa isaga oo ay ka hormareen qaar ka mid ah orodyahannada kale, waxa uuna sameeyay soo laba kacleyn u sahashay in kaalin hore uu ugu dambeyn galo.

“Waxa aan yara dedejiyay orodkaygii dhawrkii kiiloomitir ee ugu dambeeyay, taasna waxa ay qayb ka tahay xirfadaha tartanka, ma aanan sameynin qiyaasta tababarka labadii bilood ee lasoo dhaafay, sababtoo ah waxa aan dhaqaaleyneynay tamar badan, laakiin xaqiiqada ayaa ah in aan marnaba niyad jabin oo aan daalin”, ayuu yiri Suldaan Xasan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay u ahayd billow fiican maadaama uu tartamayay markiisii ugu horreysay.

“Waxa ay ii ahayd billow fiican, waan rajeynayay natiijada in ay noqon doonto mid aad u wanaagsan- Waxaan rajeynayaa in natiijadani ay hormuud u noqoto wacdaraha aan dhigi doono ee kale, ma ahan ugu yaraan tixgelinta in tani ay tahay tartankayga ugu horreeya sidoo kale, sidoo kale waxa ay xiiso iigu yeeleysaa in aan arko waxa aan ka qaban karo tartamada kale xagaagan”, ayuu sii raaciyay Suldaan Xasan, iyadoo uu ka qayb geli doono tartan kale oo ka dhacaya magaalada Rome billowga Juun, kaas oo sidoo kale laga filayo xiiso gaar ah.

Tartamada kale ee ay ka soo muuqdeen Soomaalida heysatay dhalashada Yurub.

Bashiir Cabdi ayaa 2022-dii kaalinta 3-aad ka galay tartanka Marathon-ka Adduunka ee ka dhacay dalka Mareykanka, isagoo dalka Belgium u keenay billad maar ah.

Cabdi Nageeye oo u ordayay dalka Netherlands ayaa galay kaalinta labaad waxaa uuna sidaasi ku qaatay billadda Qalinka, halka Bashiir Cabdi oo u ordayay dalka Belgium uu galay kaalinta saddexaad sidaasi oo uu ku qaatay billaddii harsaneyd ee Maarta.

Bashiir Cabdi, waxa uu dhashay sannadkii 1989 bishii bishii Feebraayo, isaga oo ku dhashay magaalada Ceel Afweyn, ee gobolka sanaag, Somaliland.

Waxa uu u ordaa dalka Biljam, waxaana uu caan ku yahay orodka dheer. Wuxuu ka qayb galay 10,000 ee mitir orodka ah oo dhacayey sannadkii 2014 horyaalada ciyaaraha fudud ee Yurub, Ciyaarihii Olombikada ee Rio de Janeiro ee 2016kii Bashiir wuxuu ku tartamay labada orod ee 5000m iyo 10000m.

Wuxuu ku dhameystay kaalinta 20 -aad ee finalka 10000m, tartankaas oo uu ku guuleystay Mo Farah, orodyahan Soomaali ah oo metela dalka Britain.

Sannadkii 2017-kii Bashiir wuxuu ka qayb -galay tartankii London 2017 ee Ciyaaraha Fudud ee orodka 5000m ee ragga, isagoo kaalinta 6 -aad ka galay tartankaas. Waxaana uu ka qayb galay tartamo kale oo caalami ah, sannadkii 2019 waxa uu kaalinta labaad galay tartankii Vitality Big Half Marathon, oo kaalinta koobaadna uu galay Mo Farah.

Xigasho BBC

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Biimaal oo hubkooda qaatay si ay isaga difaacaan Xooha AS.

Axad 28, April  2024 {HMC} Beesha Biimaal oo kamid ah beelaha dago Gobolka shabellaha hoose ayaa Caawa la so baxay hubkooda si ay iskaga...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28-04-2024}

Axad 28, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

WARARKA