Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

M/ hore sheekh shariif oo ka carrooday fal uu kula kacay Telefishinka Qaranka.

isniin 19 Feb-2024 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh ah ,sidoo kale hadda ahmed mudane katirsan golaha Shacabka ayaa ka qeyb galay kulanka xildhibaanada labada aqal ee ka doodaya wax ka bedelka Dastuurka KMG ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo fadhiga Baarlamaanka hadal ka jeediyay ayaa hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka badalka Dastuurka iyo xaaladda guud ee siyaasadda iyo mida Amniga dalkeenna.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa markii uu bilaabay hadal-jeedinta xildhibaanada labada aqal waxaa la jaray baahintii tooska aheyn ee telefishinka Qaranka, waxaa sidoo kale khudbadiisa aan laga baahin Tv- ga dowladda oo baahinayay hadal-jeedinta xildhibaanada kale.

“Aragtidayda iyo dareenka shacabka ay qabaan in aan ka sheego Baarlamaanka hortiisa waa qodob dastuuri ah , balse warbaahinta qaranka ee la rabay in ay noqoto indhaha ay bulshadu wax ku aragto, lagu saxo dowladnimada, u sinnaadaan masuuliyiinta, mucaarad iyo muxaafid ayaa maanta laga baahin waayay aragtidayda. Ma aqaan sababta keeni karta tallaabadan is hortaagga ah” ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal kasoo saaray arrinta lagula kacay.

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif ayaa tallaabadan maanta lagula kacay ku tilmaanay in ay billow u tahay waxa soo socda iyo duullaanka lagu yahay aragtida Xildhibaanka iyo tan siyaasiga.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA