Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

madaxwaynihii hore Farmaajo oo ka fal celiyey hadalkii uu saaka Shiikh Shariif ka jeediyey Golaha Shacabka

Isniin 19 Feb-2024 {HMC} Madaxweyne hore ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartisa Faceboogga ayuu uga falceliyay ishortaag uu sheegay in madaxweyne Sharif lagu sameeyay gudaha baarlamaanka.

Hadal jeedintii maanta Madaxweynihii Hore ee dalka, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa uu ugu hadlay dhowr arrimood oo taabanaya wax ka badalka Dastuurka iyo Xaaladda guud ee Amniga Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed oo dhinaca kalena ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo kamid ah xubnaha sida wayn uga soo horjeedo wax ka beddelka dastuurka ayaa ku dhaliilay dowladda hadda jirta arrimaha ammaanka iyo guud ahaan difaaca dalka.

Waxaa uu tilmaamay in ayadoo taasi ay jirto in aan lagu deg degin karin ansixinta dastuurka dalka Soomaaliya , sida uu ku dooday Sheekh Shariif oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka, iyadoo dooda baarlamanka oo si toos ah uga socotay telefishinka dowlada la jaray markii la soo gaaray hadalka Shiikh Shariif taasoo uu si weyn uga carooday

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkiisa waxaa uu u qornaa sida tan:

“Codkayga waxaan ku biirinayaa siyaasiyiinta, waxgaradka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyey is hortaagga ka dhanka ah hadaljeedintii Madaxweynihii Hore ee dalka, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Tallaabooyinka dib u eegista Dastuurka ee haatan socda oo aan awalba ahayn mid loo dhan yahay, dood bandanna ka taagan tahay habraacii lagu ansixiyey, waqti ka khataro badan intii hore lagu jiro, haddana in xildhibaannadii ka aragti dhiiban lahaa la carqaladeeyo waxay muujinaysaa qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan ee wiiqaysay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Dalkeennu maanta waxa uu wajahayaa halis la xiriirta jiritaankeenna iyo qarannimadeenna, taas oo lagu wajihi karo midnimo iyo wadajir, sidaas awgeed waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu ka soo noqda wadiiqadan khaldan, ilaaliyana dhaxalka dowladnimada ee heshiiska lagu yahay.”

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA