Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maraykanka oo qirtay duqeyntii lagu dilay dhaqaatiirtii Cuba ee AS u afduubnaa

Isniin 19 Feb-2024 {HMC} Taliska milatariga Maraykanka ee Africa ee loo yaqaan AFRICOM ayaa xaqiijiyey inay duqayn ka gaysteen meel u dhow Jilib 15-kii bishan, maalintaas oo ah tan ay AS sheegeen in laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo ay ururku la-hayste ahaan u haysteen lagu dilay duqayn ay gaysteen Maraykanka.

War qoraal ah oo talisku soo saaray ayey ku sheegeen inay xaqiijinayaan in 15-kii Febraayo ay duqayn ka gaysteen meel u dhow Jilib, duqayntaas oo Maraykanku sheegeen inay ka dhan ahayd AS

AS ayaa qoraal ku sheegtay in duqayn ay Maraykanku gaysteen saacidihii hore ee Khamiistii lagu dilay labada dhakhtar oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez oo ay AS kasoo afduubteen Mandera bishii April 2019-kii.

“Waan ka warqabnaa wararka sheegaya eedda ah in duqayntu dishay laba rayid ah. Ma hayno xog dheeraad ah waqtigan oo ku saabsan wararkaas, hase yeeshee wixii sheegasho ah ee la xiriirta dhib soo gaaray rayid way nagu weyn tahay,” ayey AFRICOM ku sheegtay warkaas qoraalka ah.

“Taliska ayaa sii wadaya qiimaynta natiijada hawlgalkan, waxaana bixin doonaa xog dheeraad ah markii la helo,” ayuu qoraalku intaas ku daray.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA