Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliland oo ku eedaysay dowlada Federaalka Soomaaliya dilka Dahable

isniin 19 Feb-2024 {HMC} Xukuumada Somaliland ayaa dilka Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa Hay’adda Hawada ee Sooomaaliya ku eedaysay dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dilka ay uga shakisanyihiin Hay’adda NISA iyo Hay’adda Duulimaadyada ee Soomaaliya, isagoo sheegay in xataa ay usoo hanjabaan shaqaalaha ka hawlgala Hay’adda Duulimaadyada Somaliland.

Waxa uu dowlada Soomaaliya ka codsaday in ay baadhitaan dhab ah ku samayso kiiska Dahable, isaga oo sheegay in anay Somaliland ka hordhacayn baadhitaanka Booliiska Soomaaliya uu wado.

Wasiirku waxa uu sheegay in uu Alle qoray in Dahable uu dhinto, isla markaana kaana waxa uu dowlada Soomaaliya ka codsaday in anay siyaasadayn dilkiisa, isla markaana maydkiisa ay Hargaysa usoo dirto.

“Waxaanu doonaynaa in anay arrintaasi xanaf siyaasiya yeelan, Somaliland iyo Soomaaliya isku dal ayay ahaanjireen, dad badan oo reer Somaliland ah ayaa maanta Xamar jooga, qaar badan oo Soomaaliya ah ayaa maanta dagan Somaliland” Ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay 6 qof usoo xidheen dilka Dahable, isla markaana ay wadaan baadhis.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA