Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasiir Maareeye oo shaaciyay XOG ku aadan dilka Cabdinaasir Dahable

isniin 19 Feb-2024 {HMC} Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayire Maareeye oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay geerida Marxuum Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan (Dahable) oo xalay meydkiisa laga helay hoyga oo ka degan yahay Xaafadda Ceel Qalow ee degmada Wadajir.

Maareeye ayaa shaaciyay xog ku aadan dilka marxuumka oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobollada waqooqi, isaga oo hadda ahaa Agaasimihii Waaxda Diyaaradaha ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Ugu horreyn Maareeye ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada marxuumka, wuxuuna sidoo kale sheegay in loo maleynayo inay dishay gacan ka xaq-daran.

“Innaa lilaahi wa Innaa ilayhi Raajucuun Illaahay naxariistii Janno ha geliyo walaalkeen Cabdinaasir Muuse Dahable oo sida la filayo gacan ka xaqdarani dishay, samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo qoyska iyo ehelka” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdi Maareeyey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kiiska ninkan uu kala hadlay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Axmed Sulub Furin, ayna socota baaris ku aadan falkaasi.

Maareeye ayaa xusay in la xiray dhamaan dadkii deganaa guriga marxuumka, isla markaana la baari doono maydka, si loo ogaado faraha cidii ugu dambeysay.

“Dembiyada Culusi (Crime) meel walba way ka dhacaan, laakiin si aan u ogaado xaalada kiiskan oo dad badan cabsi gelisay, Xalay waxaan u yeedhay oo ka wareystay dilka Marxuun Cabdinaasir Taliye Ciidanka Booliska, Taliye Sulub wuxuuna ii sheegay in dilku dhacay, in Ciidanka Baadhista dembiyadu goobta tageen, baadhis Xoog lihina ku socoto meydka marxuunka iyo faraha cidii ugu dambeysay jidhkiisa taabatay, isla markaana la xidhay dhamaan dadkii ay guriga wada deganaayeen Marxuun Cabdinaasir” ayuu ku daray.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Talaabooyinka ilaa hada la qaaday iyo sidaa baadhistu u socoto aad baan anigu ugu qancay”.

Ilo xog ogaal u ah kiiskaan ayaa warbaahinta u sheegay in Agaasimaha lagu dilay xarig lagu ceejiyey, sida ka muuqata jirkiisa, wuxuu ahaa nin masuul ah oo ka tirsan hay’adda duulista Soomaaliya, waxayna xubnihii noo waramay meesha ka saareen shakiga ah inuu isagu is-dilay.

Agaasime Cabdinaasir ayaa kaligiis deganaa guri ku yaalla xeendaabka garoonka Aadan Cadde, waxaa la garan waayey cidda ku dhex dishay gurigiisa.

Maalmihii u dambeeyey waxaa jiray khilaaf salka ku haya maamulka hawada Soomaaliya oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kadib markii Somaliland ay ku dooday in maamulka hawada ay isku koobtay Muqdisho, balse dowladda federaalka ayaa si cad u sheegtay inay si buuxda u maamusho hawada dalka.

Lama oga in geerida agaasimihii waaxda diyaaradaha dalka ka howlgala ee dowladda federaalka ay ku lug leedahay xiisadda ka taagneed hadda Soomaaliya, waxaana laga war sugayaa baaritaanada socda ee lagu ogaanayo cidda dishay marxuumka.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA