Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Weriye Jamaal Maxamed Cusmaan oo laga musaafuriyay Magaalada Garowe.

isniin 19 Feb-2024 {HMC} Weriye Jamaal Maxamed Cusmaan oo katirsan telefishinka caalamiga ah ee Channel4 ee laga leeyahay dalka Uk, ayaa laga musaafuriyay Garowe, kaddib markii uu shalay kasoo dagay.

Hay’adaha amniga Puntland ayaa illaa iyo shalay su’aalo weydiinayay, waxaana ugu damayn maanta lagu amray inuu dib ugu laabto dalka Ethiopia oo waayahan uu ku sugnaa.

 

Inkastoo dib looga celiyay Garowe, haddana weriyaha ayaa markii hore ogolaansho ka helay wasaaradda warfaafinta Puntland, si uu Garowe u yimaada, isagoo usoo bandhigay qorshahiisa.

 

Weriyaha ayaa doonayay inuu warbixino ka sameeyo arrimaha burcad badeedda Soomaalida, iyadoo maalmahan ay dib usoo cusboonaadeen weerarada burcad badeedda ku qafaalanayaan maraakiibta iyo doonyaha isticmaala xeebaha degaanada Puntland.

 

Waa markii labaad oo weriye Jamaal Cusmaan laga tarxiilo Soomaaliya. Bishii December ee sannadkii 2022 ayaa laga musaafuriyay magaalada Muqdisho.

 

Waxaa lagu eedeeyaa inuu yahay weriye u janjeera dhinaca Alshabaab, islamarkaana wuxuu marar kala duwan si dad ban kooxda Alshabaab uga taageeray baraha bulshada.

 

Wuxuu marar kala duwan safar ku tagay Jilib isagoo aaminsan inay Shabaab dalka xukumidoonaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA