Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Askari ka tirsan Ciidanka NISA oo dil Toogasho ah lagu Xukumay

Talaado 20 Feb-2024 {HMC} Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin ayaa loo soo xiray Dil bareer ah uu u gaystay Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed dilkaas oo ka dhacay laamiga Xoosh ee degmada Dharkenlay 21 kii November ee sanadkii 2023.

Baaris dheer dabadeed Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Ex Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA