Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku saabsan dhanka ciidanka

Talaado 20, Feb,2024 {HMC} Wasaaradaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Uganda oo magaalada Muqdisho ku kala saxiixday dhammaystirka heshiis is afgarad {MOU} dhanka difaaca ah oo ay labada

Wasaaradood horay u kala saxiixdeen.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Uganda, Mudane Vincent B. Ssempijja iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku yimi magaalada Muqdisho,

iyada oo uu Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyeey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdifataax Qaasim.

Wafdiga Wasiirka Difaaca dalka Uganda oo soo dhoweynta ka dib loo soo galbiyay Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa halkaasi waxa ay kulamo kula qaateen

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur, madaxda kale ee Wasaaradda iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka XDS Janaraal Maadeey Nuureey

Shiikheey, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dal ee dhanka difaaca.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Vincent B. Ssempijja ayaa kala saxiixday

dhammeystirka heshiis is afgarad {MOU} dhanka difaaca ah, kaas oo labada dowladood ay 8-dii bisha Agoosto 2022-kii ku kala saxiixdeen magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA