Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka caafimaadka oo kormeer kutagay isbitaalka lanserreti

Talaado 20 Feb-2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Aden, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud, Taliska Gobolka Baanadir iyo Maamulka Isbitaalka Forlanini ayaa si wadajir ah u kormeerey goobihii laga rarey dadwaynaha ee Isbitaalka Forlanini(lanserreti) oo in ka badan muddo 30 Sano ah burbur sanaa isla markaana deegaan u ahaa dad shacab ah.

Booqashadan ayaa daarneyd soo eegista sida uu u fuley awaamiirtii ka soo baxdey Maxkamadda Gobolka Banaadir ee ku aadaneyd Codsigii Wasaaradda ee ahaa baneynta goobaha dadwaynaha ay ka deganaayeen in ka badan 30-ka Sano gudaha Isbitaalka, waxaana dhammaan mas’uuliinta goobta gaaray ay tageen qeybihii laga fuliyey howlgalada ee hore u ahaa deegaanka balse dadaal dheer ka dib la baneeyey si loogu adeego bulsho waynta Soomaaliyeed ee had iyo goor u baahan daryeelka Caafimaad.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden ayaa sheegey in Isbitaalkan uu noqon doono Isbitaal wayn oo loogu talagaley in loogu adeego bulshadeena maadaama dadkeenu u hamuun qabaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran, waxa uuna sidoo kale xusey in muhiim ay tahay baneynta Xarumaha Caafimaad ee dadwaynuhu degan yihiin marka loo soo baahdo si bulshada ay u hesho adeeg dowladeed oo ka mid ah xuquuqaha ay leeyihiin.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa u mahadceliyey Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Taliska Gobolka Banaadir oo fuliyey codsigii ka yimid Wasaaradda Caafimaadka ee ku qotomey baneynta goobaha la deegaameeyey ee mudada sanadaha ah la deganaa.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA