Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Diyaarad laga leeyahay Israa’iil oo Khal khal la kulantay xilli ay mareysay Hawada Soomaaliya

Talaado 20 Feb-2024 {HMC} Diyaarad sumadeedu ay tahay El Al Boeing 787-9, kana soo duushay Phuket ee dalka Thailand kuna wajahneed magaalada Tel Aviv ee Israa’iil ayaa la sheegay in markii ay maraysay hawada Soomaaliyaay la kulantay khal-khal.

Shirkadda El Al ayaa sheegtay in shil ku dhacay mid ka mid ah duullimaadyadeeda oo dul maraysay hawada Soomaaliya aysan ahayn arrin amni, isla markaana aan lagu bartilmaameedsaneyn shirkadda diyaaradaha ee Israa’iil.

Sida lagu sheegay warka ka soo baxay shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee Ynet, El Al waxaa khal-khal ku yimid raadiyaha diyaaradda, iyadoo shirkadu meesha ka saartay in falkaasi uu ahaa mid loola jeeday duulimaadkooda.

Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in arrintaan ay tahay waxyaabihii ay horey dowladda Soomaaliya uga digeysay ee dhinac hawada ah. Waxa ayna shaaciyeen in shilkaan aanu saameyn ku yeellan doonin duulimaadyada diyaaradaheeda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA