Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowlad Shisheeye oo Somaliland ka taageereysa carqaladeynta hawada Soomaaliya

Talaado 20 Feb-2024 {HMC} Maamulka Somaliland ayaa bilaabay in ay carqaladeeyaan diyaaradaha caalamiga ah ee maraya hawada Soomaaliya, iyaga oo jawaab uga dhigaya duulimaadyo Itoobiya ka yimid oo dowladda Soomaaliya hawada ka celisay.

Diyaarado dhowr ah oo marayay hawada Soomaaliya ayey kula dhaqaaqeen maamulka Somaliland falal carqaladeyn ah, waxa ayna tallaabooyinkaasi Somaliland qaaday si weyn uga carrooday hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa lagu tuhmayaa in maamulka Somaliland ka taageereyso carqaladeynta hawada Soomaaliya, waxaana jira tuhun ah in qalab laga qaaday dalka Itoobiya la geeyay Hargeysa si falalka carqaladeynta loogu adeegsado.

War-saxaafadeed xalay kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in dowladdo shisheeye oo aysan magac dhabin ay Somaliland gacan ku diinayaan carqaladeynta diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya.

”Dowladda Soomaaliya waxay dareensan tahay in carqaladeynta ay wadaan maamulka Somaliland ay ku jiraan gacmo shisheeye, si ay u fushadaan danahooda guracan. Dowladda Soomaaliya waxay ka digeysaa sii socoshada falalkan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa ku hanjabtay haddii ay sii socdaan falal dambiyeedyada lagu carqaladeenayo diyaaradaha caalamiga ah ee isticmaala hawada Soomaaliya in ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo ka dhan ah Somaliland.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA