Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladaha qatar iyo Soomaaliya oo iska kaashanaya la dagaallanka kooxda AS

Talaado 20 Feb-2024 {HMC} Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo casuumaad Rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Qatar Sareeye Guud Salem Bin Hamad Al Aqeel Al Nabit, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Qatar.

Labada taliye oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar ayaa ka wada hadlay arrimaha saldhigga u ah xariirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaliya iyo Qatar.

Taliyaasha ayaana kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada ciidamada XDS oo dhinac kasta leh, dagaalka ka dhanka ah kooxda AS, iyo in sare loo qaado deeqaha waxbarasho ee la siiyo Saraakiisha ciidamada milateriga Soomaaliya.

Taliyaha ciiddanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa si gaar ah uga mahad-caliyay Qatar kaalinteeda kaga aadan dhismaha iyo qalabeynta ciidamada, waxuuna balan qaaday in xariirka labada dal uu ahaan doono mid sii xoogaysta.

Ugu Dambeyn taliyaha ciidamada milateriga dalka Qatar Salem bin Hamad bin Mohammed bin Aqeel Al Nabit, ayaa dhigiisa Soomaaliya ku soo wareejiyay kulliyadaha ciidamada ee dalka Qatar, si uu u arko sida kuliyadda u shaqeyso.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA