Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa Looga Hadlaa Kulanka Deg dega ah ee Labada Aqal BFS Madaxweynuhu isugu yeeray?

Talaado 20 Feb-2024 {HMC} Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray maalinta berito ah labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa kulankii maanta ee labada Aqal ka hor sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxakuud uu berito hor imaan doono labada gole, islamarkaana uu kala hadli doona xaaladda guuud ee dalka.

 

“Mudanayaal waxaan idin ku wargelinaya in beri oo Arbaco ah aad soo wada xaadirtaan kulan deg deg ah oo uu soo dalbaday madaxweynaha oo sida Dastuurka uu qabo soo dalban kara mar walba inuu isugu yeero labada Aqal, kulanka waxaa uu madaxweynaha kaga hadli doona xaaladahii ugu dambeeyay ee fadlan waqti fiican hala soo xaadiro waad la socotaan marxalada uu dalka ku jiro” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

 

Kulankaan deg dega ah uu madaxweynaha isugu yeeray labada gole ee Baarlamaanka Fedaraalka ayaa wararku sheegayaan in madaxweynaha uu ka hadli doono xad gudubkii Itoobiya ay kula kacday wafdigiisa mudadii ay u joogeen Addis Ababa ka qeybgalka shirkii Midowga Afrika iyo waliba waxyaabaha uga soo qabsoomay safaradiisii ugu dambeeyay.

 

Arinta Kulanka deg dega ah ayaa waxaa ay kusoo beegmaya, iyadoo wali ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa ku dhexmaray kowdii bishii Janaayo ee sanadkaan 2024 raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee la xariiray in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah dhulka iyo Biyaha Soomaaliya, heshiiskaas oo si weyn ay uga hortimid dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo inta badan dalalka Caalamka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA