Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

qarax xalay ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdishooo dad badan lagu laayey

Talaado 20 Feb-2024 {HMC} Ku dhawaad 10 qofood oo la socotay gaari BL ah (Home) iyo Mooto Bajaaj ayaa caawa ku geeriyootay qarax ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Qarax ahaa miinada nooca soo booda ayaa qabsaday shacabkii la socday gaariga BL-ka ah iyo mooto Bajaaj-ta, waxaana halkaas ku geeriyooday oo warbaahinta ay meydadkooda aragtay 9-qof, waxaana intaas ka badan karta tirada dhimashada.

Sidoo kale dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas ayaa laga qaaday goobta, waxayna dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen in qaraxaasi uu ahaa miino ka soo booday laamiga geeskiisa.

Kooxda AS ayaa qaraxa caawa dadka lagu laayey dhigtay isgoyska Soos ee degmada Heliwaa, waxaana ka dhalatay musiibo culus.

Ciidamada amniga iyo gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa gaaray goobta oo soo daabulay dhaawacyada iyo meydadka dadkii ay qaraxa ku laysay AS.

Kooxda AS uma naxdo shacabka, waxayna inta badan dhagartoodu haleeshaa dad rayid ah oo aan waxaba galabsan, sidoo kale kama damqadaan, kamana fogaadaan waxyeeleynta shacabka.

Dhacdadaan xanuunka badan ayaa caawa ku soo aaday iyadoo dadka reer Muqdisho ay dhowrkaan bilood ka reysteen gumaadkii ay ku heysay Kooxda AS, kadib markii ciidamo gaar ah loo sameeyey amniga caasimadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaalkii ugu adkaa gelisay sugidda amniga Muqdisho, sidoo kale waxaa la aaminsan yahay in amniga Muqdisho ay muhiim u yihiin howlgallada ay ciidamada dowladdu ka wadaan gobollada dalka, maadaama ay duurka fog ku fashilinayaan qaraxyadii dadkaan lagu dhibaatey jiray.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA