Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Aabaha dhalay Cabdinaasir Muuse Xaaji (Dahabale) oo codsi qiiro leh u diray madaxda DFS

Arbaco 21-Feb-2024 {HMC} Aabaha dhalay Cabdinaasir Muuse Xaaji (Dahabale) oo katirsanaa shaqaalaha hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, dhawaana meydkiisa laga helay qolkii uu ka deganaa guri kuyaalla Muqdisho ayaa ka codsaday dowladda in meydka wiilkiisa u keenaan.

Muuse Xaaji (Dahable) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka codsaday madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya uu ugu horreeyo madaxweyne Xasan Sheekh in wiilkiisa meydkiisa loo keeno , si uu ugu aasto halka uu kasoo jeedo.

Aabaha ayaa codsaday in meydka wiilkiisa aan la siyaasadeyn, waxa uuna caddeeyay in uusan raali ka aheyn marnaba in meydka wiilkiisa lagu aaso magaalada Muqdisho, sidoo kale uusan diyaar u aheyn in uu tago Muqdisho.

”Meydka wiilkayga yaan la siyaasadeyn, waxaana ka codsanayaa dowladda Muqdisho madaxdeeda in la ii keeno halkan meydka wiilkayga, anigu iman maayo Muqdisho, mana oggoli xitaa in salaada janaasada lagula dukado Muqdisho” ayuu yiri aabaha dhalay marxuumka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay socdaan baaritaanno lagu sameenayo meydka marxuum Cabdinaasir Muuse oo la tuhmayo in shirqool lagu dilay, waxaana kiiskaasi booliiska Soomaaliya u xireen ilaa lix qof oo guriga falku ka dhacay ku sugnaa.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA