Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Degmada Feerfeer Oo Laga Hirgalinayo Dhismaha Xarunta Maamulka Degmada iyo Soolarka Wadooyinka

Arbaco 21-Feb-2024 {HMC} Waxaa Heer gabo gabo ah marayo dhismaha Xarunta Xafiisyada Maamulka Degmada feerfeer Soomaaliya, kaasi oo ay dhisayaan Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle, waxaana Maalgaliyay dowladaha Norway iyo Switzerland

 

Gudoomiyaha Degmada Feerfeer Soomaaliya Jeelle Faarax Ciyoow iyo Duqa Degmada feerfeer Bile Garaad rooble iyo Masuuliyiin kale ayaa kormeeray qeeybaha kala duwan ee dhismaha xarunta Maamulka loo dhisayo.

 

Masuuliyiintan ayaa Enjineerada howsha wado kala hadlay halka ay marayaan dhismaha Xafiisyadan iyo hadii ay jiraan Culeeysyo Xiligan haysto.

 

Intaasi kadib Masuuliyiinta Maamulka degmada feerfeer Soomaaliya ayaa qabtay, La kulanka Bulshada oo quseeyo howlaha ka socda Feerfeer Sida Dhismaha Xarunta Xafiiska Dowlada Degmada iyo Soolarka Cadceeda ku shaqeeyo oo dhawaan Degmada laga hergalinayo.

 

Kulanka waxaa looga gol leeyayahay Taabo galinta mashaariicda iyo gacan ku heeyntooda, waxaana Bulshada lagagag hadlayay in Waxii loo dhiso ay ilaashadaan.

 

Qaar kamid ah Bulshada ku nool Degmada feerfeer Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Mashaariicdan laga wado degmada oo ay ugu horeeyaan Dhismaha xarunta maamulka degmada iyo Soolarka ku shaqeeyo cadceeda oo laga hergalinayo degmadan. Waxaana u mahadceliyeen dowlada Soomaaliya iyo Mamaulka Hirshabeelle.

Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Feerfeer Soomaaliya Cabdi Omar Siyaad ayaa balan qaaday in ka Amni ahaan ay ilaalin doonaan Mashaariicdan laga hergalinayo Degmada.

Gudoomiyaha Degmada feerfeer Jeelle Faarax Ciyoow iyo Duqa Degmada Bile garaad rooble ayaa sheegay in Mashaariicdan lagu keenay dadaal dheer oo Maamulka degmada u gudbiyay dowlada iyo Maamulka Hirshabeelle, waxaana Bulshada ugu baaqeeyn in ay ilaashadaan.

Marka laga tago hergalinta Soolarka degmada feerfeer Soomaaliya iyagane waxaa jiro kuwa kale oo laga fulin doono Degmooyinka Beergadiid iyo Jawiil ee Gobolka Hiiraan,

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA