Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Nuxurka Heshiiska dhaxmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Turki-ga ee maanta la ansixiyay.

Arbaco 21-Feb-2024 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay heshiis taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed – isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Heshiiskani waa mid masiiri ah oo dhaxalgal, waa go’aan Soomaaliya u jeexaya waddo cusub oo aan horey u suurtoobin, waa go’aan Soomaaliya ka saaraya madi-nimadii iyo walaal la’aantii, waa go’aan Soomaaliya u sameynaya saaxiib dhab ah oo ay caalamka ku yeelato”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in heshiiskani uu soo afjarayo in baddeenna iyo waxa ku jira looga baqo argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo, xadgudub iyo halis kaga timaadda dibedda.

“Heshiiskani waxa uu dhisaya, tababarayaa, isla markaana qalabeynayaa ciidankeenna badda, si ay ula wareegaan difaaca baddeenna. Heshiiskani waxa uu kordhinayaa wax soo saarka baddeenna iyo dhaqaalaha buluugga ah”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga isgarab taaggooda xilliyo muhiim ah oo ay Soomaaliya soo martay iyo maanta oo lagu soo xadgudbay Qarannimada dalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA