Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dood xoogan oo jinsiyadda caruurta ah oo ka dhex taagan baarlamaanka Soomaaliya,

Arbaco 21-Feb-2024 {HMC} Dood xoogan ayaa ka dhex taagan baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ku aadan in dhalasho lasiin karo carruurta ay gabadha Soomaaliyeed u dhalaan nimanka ajnabiga ah taas oo ay ku kala qabsameen xildhibaannada baarlamaanka.

Qodobkan ayaa ku jiro hindise sharciyeedka carrruurta oo ay soo diyaarisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka, waxaana xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in dib loo celiyo. halka kuwa kalena ay soo jeediyeen in laga saxo wixii qaldan, kadibna la meel-mariyo.

Doodda ayaa si gaar ah uga taagan ‘Baasaboorka Soomaaliga ma qaadan karaan canug ajnabi ah oo ay dhashay gabar Soomaaliyeed’?

Xildhibaan Maxamuud Jeego oo dooddan qayb ka ah ayaa sheegay inuu isago taageerayo in dhalasho lasiiyo ilmahaasi, lana taageero haweenka Soomaaliyeed.

“Annaga baarlamaankan ayaan ka tirsanahay, qaarkeen xaasaska ayaan dirsanay carruurteenna halkaas ku dhalanaayo waxaa la rabaa inay jinsiyad soo qaataan, intana gabar Soomaaliyeed haddii ay wiil dhasho waxaa loo diidaa inuu jinsiyad qaato” ayuu yiri.

Jeedo ayaa usoo jeediyay gabadhaha Soomaaliyeed ee guursanaya ragga ajnabiga ah inay ilaaliyaan Diintooda, ayna guursadaan qof muslim ah.

“Waxaan rabaa in haweenka Soomaaliyeed lagu taageero caruurta ay dhalaan in la siiyo Jinsiyada, laakin ninka ay ilmaha u dhalayso waa in uu ahaado qof Muslim ah” ayuu sii raaciyay.

Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Deeq Barre Xaaji (Fiyoore) ayaa ka horyimid arrintaan, wuxuuna soo jeediyay in aan sharci lasiin carruurtaas, isaga oo ku dooday in aabihiis uu leeyahay dal kale, isla markaana uu halkaas ka qaadan karo baasaboor.

Waxaa kale oo uu tusaale usoo qaatay AS oo uu tilmaamay inay carruur ku dhaleen dalka, kadibna ay dhibaato u gaysteen shacabka Soomaaliyeed.

“Walaalayaal qofka Soomaaliga ah ilaalintiisa annaga ayaa nalaga rabaa waddankan AS ajaaniib ah ayaa timid ilmo ayay ku dhaleen annaga ayeyna na laayeen” ayuu yiri Xildhibaan Fiyoore.

“Gabadha Soomaaliga ah Ilaahey hadii uu qaddaray oo ay dhashay canug Ajnabi ah waxaan qabaa canugaasi cirka kama soo dhicin waddan-buu u dhashay aabihii waddan ayuu kasoo jeedaa halkaas baasaboor ha uga doonto” ayuu isna doodiisa ku yiri Xildhibaan Maxamed Deeq Barre Xaaji (Fiyoore).

Xildhibaan Qaali Cali Sharci ayaa si weyn u difaacday qodobkan, waxayna sheegtay haddii dhalasho loo diido carruurtaas in ay xadgdub ku tahay haweenka Soomaaliyeed.

“Xadgub toos ah ayay noqoneysaa haddii hooyada Soomaaliyeed la yiraahdo canuga ay dhasho muwaadin ma noqon karo, aabaha Soomaaliyeedna canuga uu dhalayna la yiraahdo muwaadin ayuu noqonaa” ayay iyaduna falcelinteeda ku tiri Qaali Cali Shire.

Waxaa kale oo ay tiri “Waxay noqoneysaa ku xadgudub toos ah oo lagu beegsanayo gabdhaha Soomaaliyeed iyo Diinteenna” .

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA