Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Soomaaliya oo Faafaahin kabixiyey heahiiska Soomaaliya iyo Turkiga.

Arbaco 21-Feb-2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska uu maanta ansixiyay Baarlamaanka labadiisa Aqal uu muhiim u yahay difaaca badda iyo sare u qaadidda dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay ka jiraan xad gudubyo badan oo ay ka mid yihiin kalluumeysi sharci darro ah, in ay isticmaasho burcad badeeddu ay ka duusho,wasaqdana lagu qubo, balse haatan ay heleen cid ay ku aaminaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiskan uu socon doono muddo 10 sano, ah muddadaasna la dhisi doono lana qalabayn doono ciidanka badda Soomaaliya ee la wareegaya difaaca badda.

“Haddaan dagaal ugu jirnay inaan dhulkeena AS ka difaacno ka xoreyno, maanta waxaan dagaal kale u galeynaa baddeena inaan ka xoreyno kuwa lamidka ah ama sharci darada dowladda Soomaaliyeed shuruucdeeda ku xadgudbaya iyo shuruucda Caalamka ku xadgudbaya mas’uuliyadda na saaran ee caalamiga aan ku gudaneyno, Dowlada Turkiga waa dal aan aamini karno ku aamini karno howlaha qaarkood cid kale oo maanta heelan noo ah oo anaga shaqadaas idin qabaneyna maxaa dhacay ina dhaheysa ma jirto oo diyaar ah ma jirto, waa raadineynay muddooyinkan dhan dal si gaar ah nooga saacida difaaca badda oo aan heshiis ula galno, Turkiga waxay noqotay dalkii u horreeyay oo diyaar noola ah, cid kasta oo danta Soomaaliya ay ku jirto waa la heshiineynaa” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in heshiiskan difaaca badda aan dal gaar Ah iyo dowlado kale lagu colaadineyn, balse uu muddo soo socday, inkastoo ay ku soo aaday xilli xasaasi ah oo khilaaf u dhaxeeyo Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Turkiga kaalmada aan weydiisanay ma ahan in Itoobiya lala diriro iyo in dal kale looga duulo dalkeena, waa baddeena inaan difaacano in nagula kaalmeeyo oo dowladda Turkiga heshiiska aan la galnay intaas waaye asalkiisa oo maanta Baarlamaanka Soomaaliyeed u soo ansixiyay, Baddeena muddo sodon sano ah ma ilaashaneyn kalluunkeena iyo kheyraadkeena waa la dhacayay, baddeena wixii sharci darro oo dhan ayaa la marsiinayay, “Annaga iyo Itoobiya waxaan isku heysano waa in boqolaal kiilo mitir oo dhul Soomaaliyeed inay soo marto oo Badda Soomaaliya timaado oo qeyb ka mid ah qaadato waaye waxaan isku heyno”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayn sheegay in heshiiskan uu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka baluugga ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA