Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maraykanka oo codka diidmada qayaxan ee ‘Veto’ u isticmaalay qaraarka xabbad-joojinta ee dagaalka Qaza

Arbaco 21-Feb-2024 {HMC} Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale ka dooday, qaraar ku baaqaya xabbad joojin bini’aadanimo, si loo joojiyo dagaalka ka socda Qaza iyo in la kordhiyo gargaarka bini’aadanimo iyo barakicinta dadka Falastiiniyiinta ah, hase ahaatee qaraarkaas waxaa hor istaagay Maraykanka, isaga oo isticmaalay codka diidmada qayaxan ee Veto.

Danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay, in aanay nabad waarta keenay, in la dalbado xabbad-joojin degdeg ah oo bilaa shuruud ah, iyada oo aan heshiis laga gaadhin in Xamaas ay sii dayso la haystayaasha gacanta ugu jira.

Muddo toddobaadyo ah ayaa Maraykanka, Masar, Qatar iyo Israa’iil waxay lahaayeen wadahadalo ku aaddan in la sii daayo dhammaan maxaabiista la haysto, isla markaana in la hakiyo dagaalka.

Danjiraha Maraykanka ayaa sheegtay in tallaabadani ay taas bedelkeeda sii dheeraynayso dagaalka u dhexeeya labada dhinac, isla markaana ay sii dheeraynayso wakhtiga la haysanayo maxaabiista Israa’iil iyo xaaladda bini’aadanimo ee ay ku sugan yihiin Falastiiniyiintu.

Dalka Ajeeriya ayaa soo diyaariyey qaraarkan qabyada ah isaga oo la wadaagay 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo saddex toddobaad ah ka hor.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA