Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamadda gobolka Banaadir oo u fariisatay Dhageysiga dacwada ninkii gubay Xaaskiisa

Arbaco 21-Feb-2024 {HMC} Waxaa goordhay maxkamadda gobolka Banaadir si rasmi ah uga bilowday dhageysiga kiiska dacwada ka dhanka ah Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu nolosha ku gubay xaaskiisa oo xaamilo aheyd.

Sayid-cali Macalin oo laga soo qabtay deegaan katirsan Galmudug markii uu ka baxsaday magaalada Muqdisho ayaa maalmo badan kaddib maanta kasoo muuqday maxkamadda gobolka Banaadir oo kiiska dilka ah loo heesto dacwadeeda qaadeysa.

Xarunta maxkamadda gobolka Banaadir waxaa ku sugan ehelaha marxuumad Luul Cabdicasiis uu ugu horreeyo aabaheed iyo sidoo kale ehelada gacankudhiiglaha, waxaa sidoo kale maxkamadda jooga dad kale oo aad u daneenaya kiiskan.

Aabaha dhalay marxuumad Luul Cabdicasiis oo wali meydkeeda uu ku jiro filinjeer ayaa ka codsaday hay’addaha caddaaladda in ninka dilay gabadhiisa isna lagu rido xukun dil ah , si loola duugo gabdhiisa.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA