Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu ka Yiray Xil Abdiraxmaan A\shakuur Hishiiska Soomaliya Iyo Turkiga

Arbaco 21-Feb-2024 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaasoo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed – isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Heshiiskani waa mid masiiri ah oo dhaxalgal, waa go’aan Soomaaliya u jeexaya waddo cusub oo aan horey u suurtoobin, waa go’aan Soomaaliya ka saaraya madi-nimadii iyo walaal la’aantii, waa go’aan Soomaaliya u sameynaya saaxiib dhab ah oo ay caalamka ku yeelato”.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa faah faahiyay heshiiska Iskaashiga difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaasi oo ay maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen golaha Wasiirada labada Gole ee Baaralamaanka dalka.

Xildhibaan C/raxmaan C/Shakuur oo ka tirsan xubnaha Golaha shacabka Somalia ayaa lix su’aalood ka keenay heshiiskan ka dib qoraal uu soo saaray

Ka sokow dhibaatooyinka gudaha dalka ee takrifalka awoodda, eexda, musuqa, aqoon iyo garasho nacaybka, waxyaabaha ugu waawayn ee siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ku guuldaraysatay waxay ahayd dagaalladii iyo loollankii inoo dhexeeyey innaga iyo Itoobiya iyo in aan maarayn waynay loollankii juqraafi siyaasadeedka (geopolitics competition) ee dunida xilligaa ka jiray, gaar ahaan Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeet.

Inkastoo Madaxweynuhu sheegay in Baarlamaanku masuul ka yahay gobonnimada qaranka Soomaaliya, nagunna aamini waayey in aan heshiiska aragno, ka doodno, ka dibna go’aan ka qaadanno, isaga ayaan aaminay in uu noo ogaado. Haddal waa la diiday, hirarka xamaaska iyo mowjadaha laablakaca ee sacabka iyo sawaxanka lagu laray ee difaaca badda ayaa na jiiray, dhankeyga ayaana ka ansixiyey, laakiin su’alaaha heshiiska aan ka keeni lahaa haddii fursad gaar ah ama gudaha Baarlamaanka la i siin lahaa ayaa ah.

1- Ma caddahay in dawladda Turkiga ay difaacayso gobonnimada xudduudaha badda, berriga iyo cirka Soomaaliya. Tusaale; haddii ay dawladda Itoobiya ciidan geyso dhulka Soomaaliya ee ay saldhigga Milateri ka samaysanayso, dawladda Turkiga ma naga difaacaysaa? Haddiise ay Turkigu arkaan in dantooda aysan ku jirin in ay Itoobiya isku dhacaan heshiiska muxuu ka yeelayaa?

2- Heshiisyadda difaaca ee dawladaha kale ee ay Itoobiya ka mid tahay lala soo galay xageey ku danbaynayaan?

3- Innagu Itoobiya ayaan is haynaa, laakiin sideen u maaraynaynaa saamaynta taban ee ka imaan karta dawladaha ay Turkiga is hayaan? Haddii si kale loo dhigo, sideen oo maaraynaynaa loolanka juqraafi siyaasadeed (geopolitical competition) ee ka dhasha heshiiska?

4- Dawladdu maxay u qaadi la’dahay tillaabooyin kale oo looga hortegayo damaca Itoobiya? Maxaa xiriirka Itoobiya hoos loogu dhigi la’yahay? Maxaan duulimaadka diyaaradaheeda u joojin la’nahay ama u dhimi la’nahay? Maxaa ciidanka Itoobiya ee aan ATMIS ka tirsanayn ee dalka jooga loo saari la’ yahya, kuwa ATMIS ka tirsanna loo beddeli la’yahay?

5- Sidee loo maamulayaa Kalluunka baddeena ee la sheegay in ay Turkidu ka ceshanayaan lacagta kaga baxda difaaca badda?

6- Hore ayey inoo soo martay in Soomaaliya heshiis difaac ay gashay ka baxdo ama looga baxo, haddii Turkigu go’aansado inuu heshiiska ka baxo ama aan innagu u aragno in aan ka baxno maxaa dhacaya?

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA