Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xasan Shiikh oo shaacinaya dal saxiixay heshiis lagu difaacayo badda Somalia

Arbaco 21-Feb-2024 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalinta berri hadal u jeedinaya Baarlamaanka labada Aqal, sida uu sheegay Gudoomiyaha golaha shacabka Somalia.

Guddoonka Golaha ayaa farriin u diray Xildhibaannada labada Aqal in berri oo Arbaco ah oo taariikhdu tahay 21 Febraayo 2024 inuu jiro kulan wadajir aan caadi aheyn oo Madaxweynuhu kula hadlayo labada Aqal.

Waa markii labaad oo Madaxweynuhu dalbanayo kulanka wadajirka Baarlamaanka oo khudbad uu uga hadlayo xaalada dalka uu jeedinayo, tan iyo wixii ka dambeeyay 1dii bishii Janaayo 2024 oo dowladda Itoobiya heshiiskii MOU-gii muranka badan dhaliyay la gashay Maamulka Somaliland.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh hadal jeedinta berri ee Baarlamaanka labada Aqal uu ku faah faahin doono heshiis dhinaca difaaca Badda ah oo Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in heshiiskan uu yahay muddo 10 sano ah oo Ciidamada Badda Turkiga ku howlgalayaan Badda Soomaaliya kuna difaaci doonaan.

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa 8-dii bishan Febraayo kala saxiixday heshiis istiraaji ah oo dhinaca Amniga ah munaasanad ka dhacday magaalada Istanbul

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA