Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

30 kun oo ruux ayaa lagu dilay Magaalada Gaza kadib weerarkii israail ay ku qaaday.

Khamiis 22 February, 2024 {HMC} Irsaa’iil ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka wadaan magaalada Rafah ee Koonfurta Marinka Gaza, waxaana duqeymo culus ay shalay ka geysteen Rafah ku dhintay ilaa 12 ruux oo hal qoys ah.

Ciidamada Israa’iiliyiinta ayaa dhowr madfac ku weeraray qeybo ka mid ah magaalada Rafah, waxaana taa sii dheer in ciidamada badda Israa’iil ay rasaas ku fureen dadka degan agagaarka xeebta magaaladaas.

Dadka ku dhintay duqeynta Shalay ciidamada Israa’iil ka geysteen degmada Rafah ayaa waxaa ku jiray caruur aad u da’yar oo aan waxba galabsan.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in dadka rayidka ah ee Gaza lagu dilay ay gaarayaan tiro ahaan 29,313, halka dadka dhaawaca ah ay gaarayaan 69,333 ruux oo dhamaantood ahaa dad shacab ah.

Dhibaatooyinka ciidanka Israa’iil ay ka geysanayaan Marinka Gaza ayaa maalinba maalinta ka dambeysa ah mid sii kordheysa, mana muuqata cid dooneysa iney wax ka qabato dhibaatada lagu haayo reer Gaza.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA