Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada Itoobiya oo dilay tobanaan rayid ah

Khamiis 22-Feb-2024 {HMC} In ka badan 50 qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weeraro ay ciidamada Itoobiya ka fuliyeen gobolka waqooyi-galbeed ee Axmaarada, halkaasoo ay ciidanku kula dagaalamayeen kooxda Fano tan iyo bishii April ee 2023, sida uu sheegay shalay telefishanka ABC TV ee fadhigiisu yahay Maraykanka.

“In ka badan 55 qof, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan hal qoys, ayaa ku dhintay lix weerar oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu si toos ah u amray faashiistaha [Ra’iisul Wasaaraha] Abiy Axmed,” ayuu yiri TV-ga ABC.

Ciidamada ayaa sidoo kale “ku toogtay” 12 qof oo rayid ah magaalada lagu magacaabo Finote Selam, ee galbeedka Gojam, ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin qoyska dagaalyahanno ka tirsan Fano, ABC ayaa intaa ku dartay.

Dhinaca kale, TV-ga Ethio Forum oo si gaar ah loo leeyahay ayaa shalay sheegay in 14 qof oo rayid ah lagu dilay iska horimaad dhexmaray ciidamada federaalka iyo jabhadda Oromada ee OLA oo ka dhacay deegaanka woqooyiga Shewa ee gobolka Oromia.

Ciidankan ayaa lagu eedeeyay tacadiyo ay ka mid yihiin weeraro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen goobo ay dad rayid ah ku sugnaayeen, iyagoo dagaal kula jira jabhadaha kala duwan ee ka dagaalama gobolada Axmaarada iyo Oromada.

Iska hor imaadyada dalkaas ku dhex maraya dhinacyada hubaysan ayaa sii socda iyada oo aan wararkeenii hore ku sheegnay in uu iska hor imaad ku dhex maray xoogagga Tigreega iyo jabhadda Fano ee Amxaarada xadka ay wadaagaan labada gobolka.

 

Xigasho BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA