Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Duqeeymo Lala Beegsaday Saldhigg AS ay Ku lahaayeen Degmada Galhareeri.

Khamiis 22-Feb-2024 {HMC} –  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn culus oo xalay ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, taas oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa lasoo wariyay in lala eegtay saldhiggii ugu weynaa Al-Shabaab ee gobollaasi, kaas oo ku yaalla degmada Galhareeri.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntaasi lala beegsaday saldhigga Al-Shabaab, xilli ay ku sugnaayeen xubno badan.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in weerarkan dhanka cirka ah lagu dilay horjoogayaal sar sare iyo dagaalamayaal, balse ma shaacin tiradooda rasmiga ah.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.

Galhareeri ayaa kamid ah magaalooyinka ay weli gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana kusii jeeda cidamada huwanta ee howlgallada ka wada Galmudug.

DF Soomaaliya oo loo soo jeediyay tallaabo culus oo ka dhan ah Ethiopian Airlines
Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo deegaano badan looga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo ay guluf xoogan ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA