Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Itoobiya oo walaac xooggan ka muujisay warbixintii ay Qaramada Midoobay u gudbisay Dowladda Soomaaliya

Khamiis 22 February, 2024 {HMC} Tesfaye Yilma Sabo oo ah Ergeyga u fadhiya Qaramada Midoobay Itoobiya  , ayaa walaac ka muujiyay warbixin dhawaan Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay uu gudbiyay golaha Ammaanka.

Warbixintaas oo ku saabsanayd xad gudubyada Itoobiya ee ka dhanka ah madax bannaanida Soomaaliya, iyo fara galinta militari ee Itoobiya ay ka waddo xuduudada labada dal.

Ergayga Itoobiya ayaa xaqiijiyay, Itoobiya ciidamadeeda dhulka inay wadaan dhaqaaqyo ciidan, si ay uga fogaadaan wax kasta oo khalkhal amni ah keeni kara oo ka dhalan kara xiisadda badda ee labada dal.

“MOU ma ahan mid aan horay loo arag, kana soo horjeeda hab-dhaqanka caalamiga ah, wuxuuna la mid yahay heshiis ay waddamo kale saxiixeen si loo helo isticmaalka badda. Sidaa darteed, heshiiska is-afgaradka waa in loo arkaa iskaashi guul ah oo Itoobiya ku sugi doonto marin-badeedka . Itoobiya wax dan ah uma laha inay cid gaar ah xumayso.” Ayuu yiri Tesfaye.

Mr Tesfaye Yilma Sabo waxa uu sheegay horumarka hadda ka jira Soomaaliya in lagu kasbaday kumannaan qof oo Itoobiya ku weyday dagaalka ay kula jirto argagixisada caalamiga ah ee Soomaaliya oo uu sheegay inay yihiin kuwa ugu awoodda badan.

Ergayga Dalka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in ay Soomaaliya wada-hadallo la yeelashaan lana dhigo gogol laba geesoodka ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA