Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Macallin Maclow Abiikar oo toban maalin kadib lagu aasay magaalada Muqdisho

Khamiis 22-Feb-2024 {HMC} Macallin Cabdiraxmaan Maclow Abiikar oo ka tirsanaa Barayaasha Iskuulka Siidii ee degmada Wadajir, oo todobaad ka hor lagu dhexdilay Iskuulka Siidii ayaa maanta waxaa aas loogu sameyay Magaalada Muqdisho.

Aaska Macallinka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Bahda waxbarashada gobolka Banaadir, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Ehellada Macallinka iyo Ardaydii uu wax soo baray.

Qaar ka mid ah bahda waxbarashada iyo Qaraabada Macallinka oo la hadlay warbaahinta ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in la soo qabto Ninka dilka u gaystay Macallinka, kaas oo la sheegay in uu dilkiis u adeegsaday Toorey.

February 12, 2024-ka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa lagu dilay Macallin Cabdiraxmaan Maclow Abiikar, isaga oo Barre ka ahaa Iskuulka Siidii ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Macallinka ayaa dilkiisa loo adeegsaday Tooray, dilka ayaa sababay ka dib markii uu cannaantay mid ka mid ah Arday oo ahayd gabar, iyada oo markii dambe ay u sheegtay walaalkeed oo lagu magacaabo Xasan Maxamad Maxamuud kaas oo ku eedaysan dilka.

Bahda waxbarashada oo February 14, 2024-ka oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqday shaqo joojin muddo saddex maalin ah, iyaga oo ugu golleeyihiin sidii ay caddaalad ugu heli lahaayeen Macallin Maclow.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA