Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu R/W Rooble Ka Yiri Heshiiskii badda ee Somalia iyo Turkiga?

Khamiis 22-Feb-2024 {HMC} – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey heshiiskii ay maanta ansixiyeen golayaasha dastuuriga ah ee dowladda Soomaaliya, wuxuuna farriin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Rooble ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in heshiiskaan uu yahay mid dhaxal-gal ah oo aad loogu baahnaa, qof kastana uu fahmi karo muhiimadda uu leeyahay.

“Waxaan halkan uga hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan heshiiska maanta la ansixiyay ee Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Waa heshiis dhaxal gal ah oo uu fahmi karo qofka kasta oo wax-garad ah,” ayuu yiri R/Wasaare Rooble.

Wuxuu intaas ku sii daray in Turkigu uu yahay walaal soo jireen ah oo Soomaaliya ay leedahay, isagoo xusuusiyey qarniyo ka hor taariikh soo jirtay.

“Walaalaheen Turkiga maaha markii ugu horeeysay oo ay iskaashi iyo garab istaag la yeeshaan Soomaaliya dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo difaac ahaanba, haddaad taariikhda dib u akhrisid Qarnigii 16aad (1540) ayay Turkida difaacoodu u soo gurmadeen Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa baaq u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah, wuxuu kula taliyey in wax kasta oo kala aragti duwanaasho ah meel la iska dhigo oo loo soo jeesto dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

“Siyaasiyiinta Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in meel la iska dhigo kala duwanaanta siyaasadeed oo aan u soo jeesanno Midnimada iyo Difaaca Dalkeenna si ay ubadkeennu berri ugu noolaadaan Sharaf iyo Xornimo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Rooble.

Ugu dambeyntii Maxamed Xuseen Rooble wuxuu u mahadceliyey masuuliyiintii ka soo shaqeysay arrintaan, isagoo yiri, “Way mahadsan yihiin dhammaan madaxda Soomaaliyeed ee ka shaqeysay heshiiskan Taariikhiga ah.”

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA