Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Nin dhallinyaro ah oo laga afduubtay muqdisho kadibna lagu dilay deeganka garas baaley ee duleedka muqdisho.

Khamiis 22-Feb-2024 {HMC} Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafad katirsan degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir kasoo afduubay wiil dhallinyaro ah oo aad looga yaqaanay degmadaasi, waxaana wiilkaasi markii dambe lagu dilay xaafada Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Ninkan lasoo afduubtay oo ahaa nin dhallinyaro ganacsade ahaa ayaa lagu magacaabayay Abuukar Axmed Kaabax , waxaana la sheegay in ay afduubteen afar nin hubeysan oo horey usii watay gaari uu lahaa marxuumka oo nuuciisa lagu sheegay Surf.

Dadka deegaanka Garasbaaley ayaa sheegay in xalay abaaro saddexdii habeennimo ee saqdii dhaxe ay maqleen rasaasta wiilkan lagu dilay, waxa ayna sheegeen in saakay aroortii meydka wiilkan ku arkeyn meel geedo badan oo lagu dhax tuuray.

Ciidamada booliiska oo lagu war-galiyay falkan dilka ah ayaa meydka marxuumka kasoo qaaday goobtii lagu dilay, waxa ayna geeyeen xarunta dambi baarista CID-da halkaas oo booliiska ay kabilaabeen baaritaanno.

Ehelada wiilkan ganacsadaha ah ee la dilay ayaa sheegay in uu ahaa nin caadi ah oon wax siyaasad ah ku lug laheyn, waxa ayna xuseen in aysan garaneyn ilaa hadda sababta loo dilay , iyagoona laamaha amniga ka codsaday in ay baaraan kiiskan soona qabtaan dambiilayaasha.

Magaalada Muqdisho dilkan iyo afduubka ka dhacay ayaa dadka ku dhaqan cabsi horleh ku beeray, waxaana magaalada Muqdisho muddooyinkan dambe aan looga baran in qof la afduubto kaddibna meel fog oo deegaankiisa aheyn lagu dilo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA