Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Turkiga iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka amaanka ah

Khamiis 22-Feb-2024 {HMC} Dowladaha Jabuuti iyo Turkiga ayaa heshiis iskaashi kala saxiixday, xilli Soomaaliya iyo Turkiguna ay heshiis dhanka difaaca badda ah wada gaareen.

Wasiirrada difaaca ee dalalka Turkiga iyo Jabuuti ayaa heshiisyo iyo hab-maamuusyo dhowr ah ku kala saxiixday magaalada Ankara, kuwaas oo ay ka mid yihiin heshiis iskaashi oo dhanka tababarka ciidamada ah iyo heshiis iskaashi oo dhanka maaliyadda ah.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Yasar Guler iyo dhiggiisa Jabuuti Xasan Cumar Maxamed ayaa ka hor heshiiska kulan looga hadlayay arrimahaan ku yeeshay dalka Turkiga kadib markii Isniintii la soo dhaafay uu halkaa gaaray wasiirka Jabuuti ka socda.

Labadamas’uul ayaa sheegay in iskaashigaan uu wax badan ka tari doono danaha labada dal.

Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku yaalla meel istiraatiiji ah oo ku teedsan gacanka cadmeed ee marinka badda cas.

Turkiga ayaa u muuqda inuu qaadayo tillaabooyin uu ku xoojinayo iskaashiga uu la’ leeyahay dalalka ku yaalla geeska, iyadoo shalay labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca badda ah oo Soomaaliya ay la gashay dalka Turkiga.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA