Friday, July 19, 2024
spot_imgspot_img

Wararki ugu danbeeyay ee Xaalada Marinka Gaza.

Khamiis 22-Feb-2024 {HMC} Israa’iil ayaa xoojisay duqeymaha ay ka waddo degmada Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, kaddib marki la xaqiijiyay in Arbacadi shalay 12 xubnood oo hal qoys ahaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay fuluyeen ciidamada Israil.

Dadka deegaanka Rafax ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in dhowr madfac lagu duqeeyay qeybo ka mid ah Rafax, halka ciidanka badda Israil oo isticmaalaya doonyo ay rasaas ku fureen dadka ku nool agagaarka xeebta Rafax.

Sawir-qaade ka tirsan Reuters oo ku sugan Rafax ayaa sheegay, in 12-ka qof ee la dilay ay ka wada tirsanaayeen qoyska Al Nuur. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray carruur da’yar.

Milatariga Israel ayaa Arbacadi sheegay in ay xoojiyeen dagaalka ay ka wadaan degmada Khan Younis, oo dhanka waqooyi uga beegan Rafax. Ma eysan sheegin in ay weerari doonaan Rafax iyo in kale.

Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay Arbacadi in dadka rayidka ah ee Gaza lagu dilay ay gaarayaan 29,313, halka dhaawacana uu caga-cageynayo 69,333.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {18.07.2024}

Khamiis 18 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Dhaqane Khaliif Abdi Farsamadii ::Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

Khamiis 18 July 2024 {HMC}  Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA.

WARARKA