Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xuutiyiinta Yemen oo Gantaal Ku Weeraray Markab laga leeyahay Dalka UK

Khamiis 22, Feb,2024 {HMC}  Markab ayaa lagu soo waramayaa in labo gantaal lagu dhuftay xeebaha dalka Yemen.

Ururka ganacsiga badaha ee UK ayaa sheegay in uu dab ka kacay markabka. Waxaa la sheegay in markabkaasi laga leeyahay dalka Britain.

Ciidamada isbahaysiga ee uu Maraykanku hogaaminayo ayaa ka jawaabaya dhacdadan.

Dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta Yemen ayaa dhowr bilood ka waday weeraro ay ku qaadayaan maraakiibta mareysa badda cas, si ay u taageeraan sida Ay sheegeen – Falastiiniyiinta ku sugan Qaza.

Xuutiyiinta ayaa mamnuucday’ maraakiibta Israa’iil, Mareykanka iyo Ingiriiska ee ka imaanaya Badda Cas

Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay in maraakiibta gebi ahaan ama qayb ahaan ay leeyihiin shakhsiyaad ama hay’ado Israa’iili ah iyo maraakiibta calanka Israa’iil ay mamnuuc ka yihiin badda cas, gacanka cadmeed iyo badda Carabta.

Xarunta Isku-dubbaridka Hawlaha Bani’aadamnimada ee Xuutiyiinta, oo ah hay’ad ay maamusho kooxdu, ayaa bayaan u dirtay caymisyada maraakiibta iyo shirkadaha ka shaqeeya gobolka.

Maraakiibta ay leeyihiin shaqsiyaad ama hay’ado Mareykan ama Ingiriis ah, ama ku socda calankooda, sidoo kale waa mamnuuc.

Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii socdaan weerarrada Israa’iil ee Gaza oo carqaladeeyay ganacsiga caalamiga ah ee marinka ugu gaaban ee isku xidha Yurub iyo Aasiya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA