Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dil Loo Adeegsaday Masaar oo Ka dhacay Gudaha Muqdisho

Jimca 23-Feb-2024 {HMC}  Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dil kale oo arxan daro ah ka dib markii nin uu Masaarta geedaha lagu jaro ku dilay nin kale.

Dilkan ayaa barqanimadii maanta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Wadajir sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Masaarta ayaa la sheegay in ninkan uu si arxan daro ah ugu cel celiyey madaxa ninka uu dilay, taasoo sababtay inuu markiiba u geeriyoodo, lamana oga illaa Hadda sababta uu falkan u geystay iyo waxaa ka dhexeeyey labada nin.

Ciidamada Booliska Somalia oo gaaray goobta uu falku ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay ninka dilka geystay, iyagoo sheegay iney baaritaano wadaan.

Dilkan ayaa qeyb ka ah dilal argagax leh oo todobaadyadii la soo dhaafay ku soo badanayey magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ka mid ah, kuwaasoo dadkii geystay qaarkood la soo qabtay halka kuwo kalena ay baxsadeen.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA