Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada Maraykanka oo 50 sano ka dib dayax-gacmeed ku dejiyey, cirifka koonfureed ee Dayaxa

Jicmo 23, Feb,2024 {HMC} Dayax-gacmeed laga leeyahay Maraykanka ayaa markii ugu horraysay muddo 50 sannadood ah, wuxuu ku degey meel u dhow cidhifka koonfureed ee dayaxa. Dayax-gacmeedkan, oo ay hawada sare u dirtay shirkad gaar ah oo lagu magcaabo Intuitive Machines ayaa dayaxa ku degay fiidnimadii Khamiista ee wakhtiga Washington DC.

Daqiiqadihii ugu horreeyey ayay cillad farsamo ku timi isgaadhsiintii lala samaynayey aaladdan, gaar ahaan in aaladdani ay fariimo u soo gudbiso xarunta laga maamulayey oo ku taalla magaalada Houston ee ku taalla gobolka Texas ee dalkan Maraykanka. Daqiiqadihii ugu horreeyey ayaa ahaa kuwo culays badan ku keenay shaqaalaha iyo farsamo-yaqaannada la socday xaaladda dayax-gacmeedka.

Muddo 10 daqiiqadood ah ayay qaadatay in fariimo laga helo dayax-gacmeedka, ka dib markii ay shaqayn wayday, mid ka mida, warlalisyada ama Antenooyinka, ku xidhani, hase ahaatee ugu dambayn fariimo ayaa laga helay muujinaya in uu si nabad ah u degey.

Tim Craine oo hoggaaminayey hawlgalkan cusub ayaa sheegay inay weli qiimaynayaan xaaladda dayax-gacmeedka ay direen iyo sidii ay u heli lahaayeen xogtiisa oo dhamaystiran, hase ahaatee, wuxuu sheegay inay si buuxda u xaqiijinayaan in dayaxgacmeedku uu haatan ku sugan yahay oogada sare ee dayaxa.

Waa markii ugu horraysay ee Maraykanku uu dayax gacmeed diro, tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 1972-kii.

Dayax-gacmeedkan ay dirtay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Intuitive Machines, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee ay dirto shirkad gaar loo leeyahay, kuna dega dayaxa oogadiisa sare.

Shan dal oo keliya ayaa dayaxgacmeed ku dejiyey dayaxa guudkiisa, kuwaas oo kala ah, Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Japan iyo Hindiya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA