Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Somaliland uga digtay carqaladeynta diyaaradaha isticmaala Hawada Soomaaliya.

Jimco, Feb, 23, 2024 {HMC} Fardowso Cismaan Cigaal Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay carqaladeyn lagu sameeyo diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya, gaar ahaan marka ay marayaan hawada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

 

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Fardowso Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in marar badan la marin habaabiyey diyaarado isticmaalayay ama marayay hawada sare ee deegaanada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland, islamarkaana taasi aysan aheyn mid loo dulqaadan karo.

 

“Digniino badan ayaan horay uga soo saarnay carqaladeynta maamulka Soomaaliland ay u geysanayaan diyaaradaha isticmaala hawada, gaar ahaan marka ay dulmarayaan deegaanada gobolada waqooyi, iyagoo raadiyaha kala hadlaya diyaarada si ay u marin hababiyaan, hadii ay sidaas kusii socdan Somaliland waxaan ka qaadi doono talaabo sharci ah” ayay tiri Wasiir Fardowso Cismaan.

 

Waxay sidoo kale sheegtay Wasiiradda ineysan sharci aheyn in Soomaaliland raadiyaha Hargeysa u yaala ay kula hadlaan diyaaradaha dul maraya ee aanan kusoo dageen garoonadeeda ama ka duuleyn.

 

“Garoon walba oo waxaa yaala Radiyow loogu talo galay in lagula hadlo diyaarada markaas ku dageys garoonka ama ka duuleysa, sharcina ma ahan in raadiyaashaas lagula hadlo, kaliya Radiyaha Muqdisho yaala ayaa iska leh amarka la hadlista diyaaradaha isticmaalaya hawada Soomaaliya, waxii kasoo hara shaqa kuma lahan oo diyaaradaha waxay kaliya ay qaatan amarka laga siiyo xarunta Muqdisho” ayay tiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowso Cismaab Cigaal.

 

Hadalkaan kasoo yeeray wasiiradda ayaa imaanaya, iyadoo horay hay’adda Duulista Rayidka ay usoo saartay qoraalo ay uga digeyso Soomaaliland carqaladeynta dhanka hawada ay ku sameynayaan diyaaradaha isticmaalaya hawada Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA