Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha soomaaliya oo saxiixay heshiiska soomaaliya iyo Turkiga.

Jimca 23-Feb-2024 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay saxiixay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhawaan wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiskan ayaa waxaa Arbacadii ansixiyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayada oo isla maalintaasi uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu deg deg ugu meel-mariyay kulan uu ka qeyb-galay madaxweyne Xasan Sheekh .

“Waxaan saxiixay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskan ayuu sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

“Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka iyo ka hor taga wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya.”

Heshiiska difaac ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga ayuu madaxweynaha sheegay in uu Soomaaliya gaarsiin doono inay dhisato ciidan badeed ku filnaada difaaca baddeenna, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii waxa uu ka sheegay munaasabad kooban oo ka dhacday Madaxtooyada uuna ku saxiixay heshiiskaasi, in heshiiskan uu qeyb ka qaadanayo nabadda iyo xasilloonida gobolka, uuna meesha ka saarayo dayicii ka jiray baddeenna sanadaha badan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA